Atirishada Bollywood-ka maqaamka sare ka gaartay Kajol Devgn ayaa haatan ku sugan Kolkata xili ay ka qayb galeyso xaflada abaal marinta filimada reer Koltata dhigteen (Kolkata International Film Festival).

Xafladan oo reer Kolkata qabsadeen markii 23-aad waxaa kasoo galeen shaqsiyaad fanka Hindiya awood balaaran ku leh sida labada Superstar Amitabh Bachchan iyo Kamal Haasan.

Hadaba Kajol ayaa sawir Selfie ah la gashay Big Bachchan iyo Kamal Haasan waxayna soo raacsiisay qoraalkaan “Xiliga Selfie oo aan la galay labo halyee…….. ma ahan wax aan xamili karay garab istaagooda!”

Hadaba sedex jilaa oo lagu tilmaamo kuwa ugu xirfada wanaagsan fanka Hindiya inay hal sawir kasoo muuqdaan ayaa ah waxa sida weyn Bollywood-ka loo hadal haayo subaxaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here