Home » Nolosha Jilaayaasha » Kajol Oo Sheegtay In Seygeeda Ajay Devgn Maalin Walbo Dhibo Ama Jah Wareeriyo!

Kajol Oo Sheegtay In Seygeeda Ajay Devgn Maalin Walbo Dhibo Ama Jah Wareeriyo!

Boqorada Bollywood-ka Kajol oo fanka Hindiya maqaam sare ka gaartay ayaa banaanka soo dhigtay sir u gaar ah iyada iyo seygeeda Ajay Devgn.

Kajol ayaa ka dhawaajisay in seygeeda Ajay uu maalin walbo dhibo sidoo kalena jah wareeriyo sababta ugu weyna ay tahay inay mar walbo daacad iska tahay kuna fikirin in seygeeda dhagraayo ama ka hoos bixinaayo!

Kajol xili ay xayeysiis u sameyneesay filimkeeda Tamil-ka ah VIP 2 ayay soo hadal qaaday arimaha nolosheeda gaarka ah waxayna tiri “Ajay Devgn maalin walbo ayuu i dhibaa ama iga xaraabeestaa madaama uu yahay qof dhib ka sameesan aniga waxaan ahay qof daacad ah oo aan ka feejegneyn ka hoos bixinta”

“Dadka uu Ajay la shaqeeyo wuu dhibaa balse dhibkiisa kuma soo noq noqdo madaama shaqo kaliya isku arkaan laakiin aniga oo la nool ayuu joogto ii dhibaa”

“Runtii waan ka helaa kaftankiisa iyo dhibkiisa laakiin waan qalbi furanahay midaas ayaa sababto inuu mararka qaar siweyn iiga qaraaxeesto”

Kajol iyo Ajay Devgn waxay is guursadeen sanadii 1999 waxaana u joogaan gabbar iyo wiil lagu kala magacaabo Nysa iyo Yug.