Atiriishada caanka ah Kajol ayaa daaha ka qaaday arin nolosheeda u gaar ah xili 8 bishaan ay ka qeyb gashay barnaamijka Kapil Sharma Show kaaso ay ku xayeysiineysay Filimkeeda yar ee Online-ka loo daawaday Devi.

Devi waa Filim yar oo 13 daqiiqo ka koohan misane 7-haween ah ilaa 9-haween lagu jilay waxuuna ka hadlaa kufsiga loo geesto gabdhaha India oo xitaa gabdhihii yaryaraa la kufsado waqtigaan 100,000 kiis oo kufsi ayuuna sii maraa waana mashruuc wacyi galin ah.

Hadaba Kajol suaalihii xanta ahaayen ee uu Kapil weydiiyay waxaa kamid ahed suaashan,”waxaan maqalnay in aad saxaafada ciwaan khaldan aad siisay markii aad Ajay guursaneysay si aysan goobta arooska u imaanin arinkaas run miyaa.”?

Waxay tiri,”tani xan ma ahan ee waa xaqiiq sababta aan saxaafada meel khaldan ugu diray ayaa ah si aysan arooskeyga xaadir u ahaanin hadii aan beentaas usheegi laheena wey ogaan lahaayen goobta arooska ileen waxba lagama qarin karo saxaafada sidaa aawged hadii aan aniga meel khaldan udiro fursad ay meeshii rasmiga ahed ku ogaadaan maba helayaan waana sababta aan halkaas ugu mashquuliyay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here