Magaca Kajol ayaa kugu soo dhacaya marka lasoo hadal qaado aflaanta Gupt, Dushman iyo doorkeedii jaceylka Dilwale Dulhania Le Jayenge iyo Kuch Kuch Hota Hai – maqaam sarre ayeyna ka gaartay Bollywood.

Kajol waa atariisho ka mid ah atariishooyinka ugu caansan ee soo maray fanka india iyadoo ku guuleysatay abaal-marino aan la xisaabin karin kajol ayaa waxa ay ka hadashay aktarada jiikan ah

Atariishada weyn ee Bollywood Film Industry Kajol ayaa waxay daaha ka qaaday inay aktaradan jiilkan ay kusoo aadayn waqti xun maadaama fanka bollywoodka marka marka kasii dambaysaa uu sii luminaayo daawadayaasha daacada u ahaa .

Kajol ayaa sheegtay inay  25 sano ay fanka ku guda jirtay waxaana mudadaas ay kaliya arki jirtay aktaro badan oo caan ah kuwaaso gaaray daraja super star

Kajol oo hadalysaa ayaa waxa ay tiri ” marna ma aamini karo inan arko marxalada bollywoodka maanta uu ku sugan yahay xiliigaygii aktar walba oo soo baxaya si dhakhsi leh ayuu xidig ku noqon jiray maadaama meesha ay tiilay tayo jiliin heer sare laakiin hadda waxaad arkaysaa sanad walba inay soo baxaan aktaro badan laakiin qaar yar ayaa guuleysanaayo halka qaarka kale dhulka ay galayaan”

Kajol ayaa sannadkii 1992dii waxay Bollywood-ka kusoo gashay filimkii Bekhudi, inkastoo uusan filimkaasi wacdaro ka dhigin Box Office-ka hadana wixii intaas ka dambeeyey xirfaddeedu sarre ayey usii kaceysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here