Shabakada Boxoffice India (BOI) ayaa si rasmi ah usoo daabacday maqaalkii joogtada ahaa oo ay kaga hadasho sedex bilood kasto ama rubac kasto sanadka aflaanta soo baxaan gananacsiga ay sameeyeen oo la fariisiyay iyo sidoo kalena natiijada rasmiga ah oo ay gaareen.

Haddaba BOI waxay ku dhawaaqday in rubaca ugu horeeyay sanadkan 2020 oo ah Janaayo ilaa Maarso in kaliya Tanhaji ka noqday filimka guuleestay ee Bollwood sameeyeen sanadkan wuxuuna noqday Blockbuster weyn sidoo kalena wuxuu noqday filimka sedexaad ee 10-milyan oo qof ka badan ka daawadaan tiyaatarada ku yaalo gobolka Maharashtra ee Mumbai xarun u tahay 20-ka sano ugu dambeesay waxaa darajadaan gobolkaas ka gaareen Gaddar iyo Bahubali 2.

Baaghi 3 ayaa qarka u saarnaa inuu Semi Hit noqdo haddii 115 Crore halka 120 Crore marka uu gaaro HIT noqon lahaa balse haatan tiyaatarada waa la xiray wuxuuna filimkan natiijo ahaan ku sugan yahay Below Average balse filim guuleestay oo Average ah inuu noqdo waxaa ka xigto 2.50 Crore saami ah haddii laga helo marka tiyaatarada dib loo furo waa haddii lacagtaas saami ahaan qolyaha cajaladaha qeybiyaan.

Sidoo kale filimada Shubh Mangal Zyada Saavdhan iyo Malang iyagana FLOP wey ka bad baadeen waxay noqdeen BELOW AVERAGE oo ah inay guul dareesteen waxayna lumiyeen lacag yar saamiga qolyaha cajaladaha qeybiyaan ka luntay waa 10% meelahaas.

Fadlan hoos kaga bogo kala saarida natiijo ahaan filimada rubaca hore sanadkan Bollywood-ka sameeyeen iyo filim saamiga qolyaha cajaladaha qeybiyaan ka heleen:

All Time Blockbuster 

Super Blockbuster

Blockbuster

Tanhaji – The Unsung Warrior (131 crore)

Super Hit

Hit

Semi Hit

Average

Below Average

Baaghi 3 (47.50 crore)

Shubh Mangal Saavdhan (26.50 crore)

Malang (26 crore)

FLOP

Street Dancer (32 crore)

Chhapaak – (14.75 crore)

Bh0ot – (14 crore)

Thappad – (13.50 crore)

Jawaani Jaaneman – (13 crore)

Panga (8.75 crore)

Angrezi Medium (4.25 crore)

Shikara (3.25 crore)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here