Ranveer Singh waxaa hadda yahay aktarka ugu wanaagsan marka laga cabir qaato marxalada uu ku sugan yahay isagoo sanadkii hore 2018 maahan sanad uu ranveer singh hilmaami karo isagoo sanadkaas uu ku furtay filimka blockbuster waxuuna sanadkaas ku xirtay isla blockbuster kale kuwaaso kala ah Padmaavat Iyo Simmba waxaana sanadkan guul u gaaray filimka Gully Boy

Ranveer Singh inuu maanto gabar ka mid gabdhaha ugu quruxda badan adduunka waxa uu kaga mahad-celinaya aktarka Ranbir Kapoor kaaso si weyn u dayacay atariishada Deepika Padukone

sidoo kale Ranveer Singh awoodiisa maanta inay heerkan gaarto waa inuu sidoo kale kaga mahad-celinaya aktarka Ranbir Kapoor maadaama 5 filim uu heerkan maanta uu ku gaaray uu markii hore iska soo diiday samayntiisa aktarka Ranbir Kapoor

Band baaja baaraat

aamin ama ha aaminin filimkan uu kusoo caan baxay aktarka Ranveer Singh waxaa markii hore director Aditya Chopra uu doonaayay inuu u dhiibo aktarka Ranbir Kapoor

laakiin Ranbir Kapoor waxa uu xiligaas uu ku qanci waayay sheekada filimkaas laakiin waxaa si dhakshi leh samaynta filimkan ku aqbalay Ranveer Singh kaaso guul ku furtay waayihiisa aktarnimo

2) Goliyon ki rasleela ram-leela

shakiga aktarka Ranbir Kapoor waxa ay sababtay inuu waayo mid ka mid ah aflaamta ugu sheekada wanaagsan bollywoodka Ranbir Kapoor ayaa ka cabsaday inuu mar kale la shaqeeyo director Sanjay Leela Bhansali

kaaso hore ugu sameeyay filimkiisa ugu horeeyay ee Sawaariya sanadkii 2007 laakiin filimkaas uu bur-buray cabsida Ranbir Kapoor waxaa faa’ido u noqotay aktarka Ranveer Singh kaaso filimkan uu ku helay aqoonsi weyn kaaso ka saaciday inuu helo samaynta aflaamo waa weyn

3) Dil dhadakne do

Ranbir Kapoor waxa uu markasta saxaafada horteeda ka sheegi jiray inuu jecel la shaqaynta gabadha director ah ee lagu magacaabo zoya akhtar

laakiin Ranbir Kapoor ayaa markan waxa uu gabadhan ka diiday samaynta filimkan ka hadlaya arrimaha qoyska kaaso noqday filimka kale uu Ranveer Singh ku faa’iday sidoo kalena uu ka shalaynaayo aktarka Ranbir Kapoor

4)  gully boy

filimkan bilowga sanadkan la daawaday waxaa hogaamiye ka ah Ranveer Singh Iyo Alia Bhatt halka ay director ka tahay gabadha lagu magacaabo zoya akhtar

laakiin Ranbir Kapoor ayaa hadda ka shalaynaayo inuu iska diiday filimkan kaaso markii hore loosoo bandhigay waxa uuna iska dhaafiyay fursad uu mar kale uu kula shaqayn lahaa director zoya akhtar iyi Jaceylkiisa Alia Bhatt

haddaba siduu noqon lahaa haddii Ranbir kapoor uu samayn lahaa doorka murad halka alia bhatt ay samayn lahayd doorka safeena

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here