Atiriishada caanka ah Kangana Ranaut ayaa karbaasheekada soo qaadatay maalintii uu Sushant geeriyooday ilaa hadana wadata iyadoo ka faaideysaneysay geerida atoorahan waxay weerar afka ah ku qaadeysay dhamaan dadka iyada ay necbaned ee Bollywood kujireen iyadoo kiiska Sushant kusoo dareysay.

Ranaut dadkii ay eedeysay waxaa kamid ah Mahesh Bhatt, Alia Bhatt, Aditya Pancholi, Karan Johar, Sonam Kapoor, Swara Bhaskar, Taapsee Pannu, Deepika, Ranveer, Javed Akhtar iyo kuwa kale oo ay siyaabo kala gedisan u weerartay.

Qaarkoodna wey usoo jawaabeen halka kuwa kalena iska aamusnaayen balse hader qareenka ama abuukaataha qoyska Sushant Singh Rajpu ee kiiskan ku guda jira ayaa Kangana beenteeda banaanka soo dhigay dadkana wax fahamsiiyay ileen dad badan ayaa hadalada Kangana run u maleyn jireene.

Waxuu yiri,”Inta aan aniga ogahay Kangana marnaba lama soo xiriirn qoyska Sushant qof kamid ah xitaa aabihiis uma aysan soo tacsiyeenin halke ayee ka keentay xogta badan ee ay geerida Sushant ku eedeyneyso jilayaal iyo shaqsiyaad Bollywood kujiraan.”

“Kangana danaheeda gaarka ah  ayee u isticmaaleysaa geerida Sushant dhamaan magacyada ay xustay misane ku eedeysay geerida atoorahan hal kamid ah oo saxan majiro sheekada meesha aad u maleyneysaan idinkama jirto wax walbana anaga ayaa ku howl jirno ee sidaas ogaada.”

Shacabkii baraha bulshada ayaa Kangana ku kaceen hadalkii abuukaataha kadib qaarkood waxay ka dalbanayaan inee cadeyn keento halka kuwa kalena ay leeyihiin hala xiro Kangana marka xidigtaan intee is laheed ka faaideyso geerida Sushant iyadii ayaa godkeeda biyo ugu yimid.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here