Atirishada awooda badan sidoo kalena isku filan Kangana Ranaut waxay duubis ku waday filimkeeda Thalaivi ka hor inta aysan Hindiya bandow galin haatana bandowgii waa laga baxay si kooban waxayna is maamulka gobolka Maharashtra ogolaadeen in Mumbai duubis ka bilaaban karto laga bilaabo 15-ka bishan June.

Balse Kangana filimkeeda Thalaivi duubistiisa dib looma amba qaadi doono madaama filimkan u baahan yahay duubistiisa inay soo xaadiraan 300 qof iyo ka badan halka shuruucda cusub ee lagu shaqeenayo ogoleen in dad intaas la eg hal meel isugu imaadaan sidoo kalena filimkan waxaa u harsan jadwal 25-maalmood muhiim ah waxay ka dhigan tahay mashruucan weyn in shaqadiisa dib u dhac kale ku imaan doonto.

Maamulka gobolka Maharashtra waxay ogol yihiin oo kaliya 33% shaqaalaha guud ee filim walbo inay goobta duubista soo xaadiri karaan sidaa darteed Kangana filimkeeda filimada kale wuu ka duwan yahay madaama dad badan u baahan yahay qaybaha dambe ee mashruucan mana ahan arin suurta galeyso.

Filimka Thalaivi sheeko ahaan wuxuu ku saleesan yahay gabadhii halyeega ahayd ee reer Tamil maqaam sare ka gaartay dhanka filimada iyo siyaasada Thalaivi waxaana doorkaas mataleyso Kangana halka Vijay uu Director ka yahay waxaana door muhiim ah ku leh Arvind Swamy qorshahana wuxuu ahaa in filimkan la daawado 26-ka bishan June balse haatan midaas suurta gal ma ahan madaama mudo sedex bilood ku dhow bandow lagu jiray welina mashruucan jadwal muhiim ah u harsan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here