Kangana Ranaut dhibkeeda aad ayuu u batay marka dhinaca kale sheekada laga fiiriyo xidigtaan waxay la dagaashay Bollywood dad katirsan shaqsiyaadka ay isku dhaceen waxaa kamid ah Hrithik, Karan Johar, Alia Bhatt, Kareena, Deepika, Sonam, Aditya Pancholi, Shahid Kapoor,Swara Bhaskar, Taapsee Pannu iyo kuwa kale oo badan inta aan sheegnayna kaliya waa jilaayasha.

Kangana dabeecadeeda aad ayaa Bollywoodka looga deeyriyay qofke khalad u aragto waa bas seefteeda ayee ula baxdaa hadaba dhowaan isla iyada ayaa baraha bulshada ku shaaciysa in labada ciwaan ay isticmaasho in dhowaan la xiri doono gabi ahaantooda waana laba koontiyo oo kooxdeeda u sameyeen balse iyada ciwaan rasmi ah malahan.

Waxay tiri iyadoo arinkaan dadka usheegeysa,”dhowaan waxaa la xiri rabaa labada ciwaan ee aniga iyo kooxdeyda baraha bulshada ku isticmaalno ee Instagram-ka iyo Twitter-ka waxaana ka dambeyaan dadka burcada ah ee Bollywoodka kudhexjiraan kuwaaso diidan runta aan sheegayo maalin walba mana ogi waqtiga la xiri doono ciwaanadan.”

“Balse daqiiqadaha soo socda waqtigee noqotaba waa la igu soo maqan yahay ana waxaan go’aansaday kahor inta aanan la xirin inaan sir badan ka shifo wajiyo badan oo Bollywoodka kujiraan xushmadna u heysaan inaan ceebahooda iyo qiyaanadooda banaanka keeno ayaan doonaya saacadaha soo socda.”

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here