Sidaan idiin la wadaagnay xalay waxaa xaflada MAMI ee loogu dabaal dagaayey aflaamta sanadlaha ku kulmeen xidigo badan oo ay kamid ahaayen Karan Johar, Kareena Kapoor iyo Alia Bhatt.

Seddexdaan shaqsi wareysi gaar ah ayee bixiyeen oo dadka wada daawanayeen masraxa ayaana kuraas loo dhigay isla seddexdooda ayaa meesha ku sheekesteen Karan ayaana suaalo weydiinaayey labada atiriisho kuna saabsanaayeen noloshooda gaarka ah iyo shaqadooda Bollywoodka.

Saxaafadii kale ee wax duubanayeen iyo daawadayaasha goobta qosolka ayaa ka dhamaaday kaftanka meesha ka dhacay iyo suaalaha xasaasiga ah meesha la isku weydiiyay marka aan helno suaalaha iyo jawaabaha dhameestiran waan idiin la wadaagi doonnaa.

Dhinaca kale Kangana Ranaut iyo walashed Rangoli ahaa kanaalkooda hadalo qalafsan kusoo qoreen maants oo ay ku weerarayaan Kareena, Karan iyo Alia waxayna kadoo horjeedan sheekadii seddexdaan xidig dhexmartay xalay iyo falanqeyntii guurka Ranbir & Alia oo goobta looga hadlay.

Kanaalka waxaa lagu soo qoray oo Kangana ama walaashed Rangoli midkood soo qoreen sida tan,”daf waaweyn ayaa xaflad tageen hadana waxaas ku hadleen soo ceeb ma ahan.”

“Markii hore xaflad abaal marin ayee qaseen hadana xalay xafladii Filim Festival ayee u badaleen carwo iyo goobaha caruurta ku ciyaaraan oo kale oo hada ka daacad miyaa Kareena waxay ku hadashay ee ah ine gabadha dunida ugu farxada badan noqoneyso hadii Alia dumaashi u noqoto.”

“Suaalo xumaa Karan Johar maxuu meesha la yimid? Muhiim ayee inoo ahed wada sheekeysigooda ileen waxaan ku ogaanay qofka jilaa rasmi lagu tilmaami karo iyo qof kale ileen Alia Bhatt oo lagu sheegay mida hogaamiineyso jiilka maanta ayaa xalay waxaas ku hadashay soo cajiib ma ahan.”

Weerar aan caadi ahen iyo hadal yasmo ka muuqdo ayaa lagu tuuray Karan, Kareena iyo Alia balse Kangana iyo walaashed Rangoli mid ayaa ka hoos baxday in markaa weerarka ay qaadeen Kareena Kapoor kujirto.

Waxaana wada ognahay Kareena in aysan marnaba gambanin mana loo sheego hadal kibir ka muuqdo sida loo dhaho waa atiriisho kale oo hadal kulul nasiibkooda ayee qabaan Kangana iyo walaashed waxay isku kiciyeen atiriisho horey ay oga qeyliyeen Dia Mirza, Bipasha Basu, Priyanka Chopra iyo kuwa kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here