Atirishada awooda badan sidoo kalena muranka u saaxiibka ah Kangana Ranaut ayaa saxaafada siisay fursad ay kula fal galaan sidoo kalena su’aalo kala duwan weydiin karaan waxayna saxaafada u ahayd arin ay mudo ah baadi goobayeen xidigtaan inay su’aalo ku weydiiyaan.

Kangana Ranaut marka hore waxaa wax laga weydiiyay sababta filimkeedii Judgementall Hai Kya Flop u noqday waxayna tiri.

“Marka hore waxaan ku faraxsanahay in daawadayaasha iyo kuwa filkmada ka faaloodaan doorkeyga ka heleen, Judgementall Hai Kya filim xun ma ahan balse dhowr mar oo baaqasho ku timid xiligii la daawan lahaa iyo xayeysiin balaaran oo la sameynin ayaa sababtay inuu ganacsi wanaagsan sameyn waayo.”

Kangana waxaa la weydiiyay su’aal kale oo xasaasi ah kuna aadan hadii Hrithik Roshan ay isku badasho subaxdii marka ay soo kacdo waxa ay sameyn laheyd! Xidigtaan su’aasha kama caroonin wey dhoola cadeesay kadibna waxay tiri.

“Haddii aan Hrithik isku badalo waxaan wici lahaa Kangana waxaana ku dhihi lahaa wax walbo oo dhexdeena ka dhacay iyo wax walbo xumaan ah oo na dhex maray ka raali noqo waan ka xumahay wixii aan dhankeyga kugu sameeyay.”

Waxaan sugnaaba waa Hrithik Roshan jawaabta uu bixin doono xili Superstar-kan filimkiisa War xayeysiin u sameenayo ayay Kangana weerar kusoo qaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here