Sidaan horey idiin kugu sheegnayba Superstar Aamir Khan dadka hinduga ah ayaa ku kacsan waxayna ku heesteen sababta uu ula kulmay xaaska Erdogan isagoo og in labada dal siyaasad ahaan is dagaalsan yihiin murankii Kashmir na isku khilaafeen hadaba Kangana ayaa soo gashay murankaan.

Sheekada markii hore siyaasad ahaan ayee joogtay oo Aamir lagu heestay balsse Kangana ayaa u bedeshay muranka qaab diiniyan ah waxayna leedahay Aamiir wixiisa waa hiilo uu u hiilinaayo islaamka sababto ah Erdogan xaaskiisa waa muslim Aamir na waa muslim labadoodana Pakistan ayee la jiraan ayee kawadaa Kangana hadalkeeda micno ahaan.

Waxay baraha bulshada soo dhigtay lifaaqa wareysi hore oo Aamir ku sheegay in caruurtiisa diinta islaamka kaliya ku dhaqmi doonaan xitaa xaaskiisa hindu hade tahay waxayna tiri iyadoo jilaagan weerareysa,”horta muranka la kulnak xaaska Erdogan xaga iga dhiga.”

“Waxaan la yaabay Aamir hadalka uu hada kahor yiri ee ahaa caruurteyda diinta islaamka kaliya ayee ku dhaqmayaan ma oga miyaa in dalkaan dadka badankiisa heestaan diinta hinduga oo islaamka laga badan yahay maxuu ku keenay inuu  caruurtiisa islaamka kaliya u gooyo oo uu ka mamnuuco hindu soo idiin ma cad in Aamir neceb muujiyay.”

Kangana ayaa wado horleh oo Aamir hinduga ugu kici karaan u jeexday sheekada markii hore siyaasad ayee ahed hada laakiin diini ayee isku bedeshay.

5 COMMENTS

  1. Waxba ma sheegayso naagtan mental ka ah afar meelood sadex iyada hada lagu wada kacsan yahay qof walbana wuu arkay iney qofkii guulaystayba ay nacayso waana Jealous aad uxun waliba

  2. Bahashaan Caasha Dheer Hadalkeda Badan Necba Hadana Madiinteena Usoo Dhigatay Awalba Tan Atarìisho Maheyn Waa Bahan Balwad Dilatay o Maqaam Karadineyso In Dadka Ka Magaca Dheer In Midba Maalin Afka Ku Taagto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here