Atiriishada kuwada guuleysatay National Award, Filimfare Award iyo Padma Shri Kangana Ranaut ayaa laga soo bandhigay aragtideeda kowaad ee Filimka Tejas waana aragti Challenge ah misane xidigtaan siweyn kaga baxsatay.

Ranaut waa atiriishada kaliya waqtigaan Filimadeeda iyada hogaamineyso misane doorar adag sameyneyso soo xusuuso Manikarnika iyo aflaamteeda udambeyeen ee doorarka adag ay jishay markaana waa Tejas oo door cajiib ah wato.

Tejas FIRST LOOK: Kangana Ranaut looks dashing and daring as an Indian Air Force pilot

Tejas waa Fiim ka hadlaayo haweenka ciidanka cirka dalka India kuwooda duuliyaasha dayuuradaha dagaalka, mar ay ka hadleysay Ranaut doorkeeda waxay tiri,”waa door adag oo ka hadlaayo mid kamid ah haweenkii dalkeena usoo halgameen taaso nafteeda u hurtay dalka.”

Ranaut waxay ku mashquulsantahay duubista filimkeeda Thalaivi dhankankale Tejas waxaa la qorsheynayaa in la daawado April 2021 waana mashruuc ay atiriishadan ku faaneyso atiriishooyinka kalena xujo kaga dhigeyso ileen in la sameeyo door duuliye diyaaraded wax sahlan ma ahan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here