Maalmo kahor waxaa la xiray ciwaanka ay Twitter-ka ku laheed Kangana walaashed Rangoli sababa la xiriira in murankeeda iyo aflagaadadeeda halkaas ku bateen dhowr jeer ayaana la dacweeyay Rangoli.

Jilayaasha Bollywoodka ayee si xun ugu weerari jirtay halkaas sido kale waxay usoo dhigatay markii udambeysay koox shicib muslimiin ah oo ay aflagaadeysay misane ku tilmaamtay argagixiso mudan in la toogto sababte udhahday ayaana ah in shicibkaas muslimiinta ah ay la dagaaleen qaar kamid ah dhaqaatiirtii iyo shaqaalaha caafimaadka.

Hadaba Kangana Ranaut ayaa muuqaal iskasoo duubtay misane Instagram-ka so dhigtay waxayna difaacday walaashed sido kale dowlada India ayee baaq udirtay hadalkeeda oo kooban sida tan ayuu ahaa.

“Warqada Rangoli Twitter-ka so dhigtay wax khalad ah kama muuqan mana ahan warqad ciwaankeeda gaarka ah ee Twitter-ka looga mamnuuci karo Rangoli waxay tilmaamtay inee argagixiso yihiin kooxda Muslimiinta ahed ee la dagaaleen shaqaalihii caafimadkeena ka taxadirayeen waxayna tilmaamtay in la toogto ama la xiro maadama qas iyo qalalaaso bulshada dhexdeeda kuwadeen.”

“Laakiin ma aysan dhihin guud ahaan muslimiinta oodhan waa argagixiso mana dhihi karto qofkii warqadaas hadal noocaas ah kasoo helo ama aflagaado kale aniga walaashey Rangoli raali gelin buuxda ayaa nagu waajib ah balse kooxdaas gaarka ah ee foodada wadeen in sidaa la dhaho wey mudnaayeen mida kale ereyga “argagixiso” aawgii hadii qof dhan ciwaankiisa loo xiraayo ciwaano badan ayaa mudan in laxiro.”

“Madaxda dalka marwalba ayee isticmaalaan ereyga argagixiso sida R.Wasaaraha, wasiirka arimaha gudaha iyo dad badan maxaa loo xiri waayey ciwaanadooda runta haliski sheego dadow waxaan baaq u dirayaa dowlada ine guud ahaan xirto aalada Twitter-ka misane la sameeyo aalad ugaar ah oo dalkena India laga hirgaliyo qof walbana isticmaali karo sababto ah Twitter-ka waa musuq maasuq dad gaar ah ayaana ku shaqeestaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here