Atiriishada Deepika Padukone ayaa dhib horleh dhexda ka gashay kadib markii ay baraha bulshada soo dhigtay Muuqaal TikTok ah oo ka koobnaa seddex aragti kala duwan oo filimadeeda ah.

Mid waxuu ka turjumaayey filimkeeda Piku, midna Om Shanti Om halka midka seddexaad na uu ahaa Chhapaak waana seddex aragti kala duwan balse dadkii ka falceliyeen badankooda wey dhaliileen xidigtaan si gaar ah waxaa la dhibsaday muuqaalka Chhapaak ay ka hadleysay oo ahaa gabar wajiga aashito looga shubay.

Si weyn ayaa loo Troll gareeyay Deepuu waxaana ka xumaadeen dhamaan gabdhihii India kasoo jeedeen ee wajiga aashitada looga shubay kuwaaso Deepika Page-keda ku xirnaayeen waxaana ugu horeysay dadkii ka xumaaday Kangana walaashed Rangoli.

Rangoli wajiga ayaa aashito looga shubay hada kahor weyna ka xumaatay muuqaalkaas kadib waxaa dhacday in Kangana ka dalbtay Deepika muuqaalkaas inee raali gelin ka bixiso maadama dad badan ku dhibsadeen.

Kangana Ranaut wants Deepika Padukone to 'apologise' to acid attack survivors for hurting their sentiments

Iyadoo wareysi bixineyso Kangana kana hadleysi arinkaa waxay tiri,”Rangoli waa dhibane wajiga aashito looga shubay waxayna dhibsatay muuqaalkaas, mararka qaar markaa suuq geyn iyo ganacsi ku gudajirno waan talax tagnaa waana hubaa Deepika ine ila ifahamsantahay waxaan kawado marka waxaan karabaa inee raali gelin ka bixiso arinkaa.”

“Iyada iyo dhamaan kooxda muuqaalkaas kala shaqeyeen waa inee raali geliyaan dadka wajiga aashitada looga shubay ee muuqaalkaas dhibsadeen ma ahan muuqaal Make-up ah ama ganacsi qofna inuu waxaas sameeyo looma baahna maadama dadka qaar dhaawac kutahay.”

“Malihi maxay Deepika sida u sameeysay waayo anaga oodhan ayaa khaldano oo khalad naga dhacaa balse qofkii ka cudur daarto khaladkiisa ayaa qof wanaagsan ah waana hubaa Deepika inee ka cudur daaran doonto wixii dhacay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here