Atiriishada caanka ah Kangana Ranaut ayaa aragti labaad laga soo bandhigay Filimkeeda labaad ee Thalaivi kaaso ay oga hadleyso nolosha wasiir dowlihii hore Tamil Nandu ee Jayalalithaa taaso sido kale atiriisho bari samaadkii fanka koonfur India ka shaqeyn jirtay.

Aragtida kowaad waan idiin la wadaagnay dhowr bil kahor markii lasoo bandhigay shalayna waxaa lasoo bandhigay aragtida labaad iyo Kangana oo siweyn doorkeeda isugu ekeysiiyay.

Filimka Kangana dhowr muuqaal ayee kujilee ileen haweeyneyda Jayalalithaa ladhaho nolosheeda ayee ka hadleysa waxa lagasoo bilaawa waaggii ay atiriishada ahed ilaa ay siyaasada ka gashay kana noqotay wasiir dowlaha gobolka Tamil Nandu.

Filimkan Thalaivi Ranaut dhib badan ayee ka martay 10 kiilo ayee miisaankeeda ku kordhisay si ay doorkeeda kaga dhabeyso Director-ka Filimkaan mar uu ka hadlaayey kartida Kangana waxuu yiri,”waa wax naadir ah in Bollywoodka laga duex helo atiriisho miisaankeda 10 kiilo kudareyso si ay doorkeeda kaga dhabeyso Kangana waa lama helaan waana inaan ku faana inee fanka wax badan kusoo kordhisay.”

Thalaivi waxaa kaloo door muhiim ah kuleh Prakash Raj (Seerabtaa) qorshahana waa innla daawado 26 June 2020 waxaan sugnaaba waa Ranaut oo shaashada kujileyso wasiir dowle..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here