Xidigta hawada sare mareysa Kangana Ranaut ayaa si rasmi ah u shaacisay inee baraha bulshada isticmaasho hab qarsoodi ah waliba halkaasna ay kala socoto dhaq dhaqaaqa Bollywoodka iyo dadka ay is cadowsadaan Post-yada ay soo dhigaan.

Atiriishadan Bollywoodka xidigo badan ayee ka cadowsatay waxayna inta badan jilayaasha ku khilaaftaa fikirkooda oo Kangana fikir ahaan wey ka duwan tahay Bollywoodka badankooda inta iyada fahamtaa wey yaryihiin waxaase usii dheer ine dabeecad kulu shahay weyna xanaaq dhowdahay hadee xanaaqdo makal oga Superstar inee hor joogto ama shaqsi caadi ah inee hor joogto oo isku si ayee ula dhaqantaa.

Waxay sheegtay inee ciwaan qarsoon isticmaasho ama ciwaan aan lagu aqoonsan karin in iyada Kangana tahay tusaale “Xaliimo” ama “Kajol” magac aan lagu fahmi karin ayee ku isticmaashaa waxayna ku xirantahay Pages-yada jilayaasha Bollywoodka oodhan halkaas ayeena dhaq dhaqaaqosa kala socotaa.

Kangana Ranaut REVEALS she has a secret social media account and spends 7-8 hours on it when not working

Arinka xiisaha leh waxuy yahay 8 saacadood xiriir ah inee qadka kujirto waxay tiri iyadoo sharaxeysa”ciwaan aan la fahmi karin ayaa Internet-ka ku isticmaalaa Bollywoodkana halkaas ayaa kala socdaa maalinta aan shaqo laheen oo aan nasanaayo ilaa 8 saacadood kudhowaad ayaa Baraha bulshada isaga baashaala oo ku mashquulaa.”

“Laakiin inta badan qoraako iga xanaajiyaan ayaa arkaa kuwa aniga lanigu duqeynaayo iyo kuwa fikir ahaan aan kasoo horjeedo waxaan Reaction ahaan saaraa “Angry” balse wax Comments ah ama faallo ah kama dhiibto waana kasii gudbaa.”

Kangana waxay kamid tahay shaqsiyaadka Bollywoodka katirsan ee Ciwaano Official ah laheen ama ciwaano lagu yaqaano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here