Atirishada awooda badan sidoo kalena muranka u saaxiibka Kangana Ranaut inta badana shaqsiyaadka Bollywood-ka awooda ku leh ku weerarto inay kaliya garab siiyaan dhalinyarada waalidiintooda fanka ka tirsan yihiin ama is qaraabeysi la isku caawiyo ayaa sheegtay inay furatay shirkad aflaanta maal galiso markaana la joogo xiligii qofkii xirfadiisa aad u sareyso fanka awood ku qabsan lahaa.

Kangana Ranaut waxay tiri “Waa dhamaatay sheekadii is qaraabeysiga masii socon doonto waxaa fanka ku waari doonaan oo kaliya kuwa leh xirfad iyo karti ay ku shaqeesan karaan waayo waad u jeediin kuwa fanka is qaraabeysiga kusoo galaan daawadayaasha masoo dhaweeyaan ileen halkaan ma ahan meel loo soo dalxiis tago waa meel shaqo oo kaliya daawadayaasha aqbalayaan qofkii jiliin wanaagsan la imaado.”

Kangana oo isku filnaansho muujineyso waxay tiri “Waxaan sameestay shirkad filimada maal galiso waxaana garab siin doonaa kuwa aan qaraabada Bollywood-ka ku laheyn sidoo kalena wax garab ah heesanin si ay xirfadooda usoo bandhigaan ileen magaca fankeena Hindiya waxaa dhulka la galeen kuwa ilmahooda oo aan aqoonin sida aflaanta loo jilo shaqo halkaan ka siinayaan.”

Kangana Ranaut waxay sheegtay sanadii 2017 inay dhul weyn ka iibsatay xaafada buuraleyda ah Pali Hill ee Mumbai ka tirsan haatana dhulkaas ay ku shaqeeneyso shirkadeeda ayadoo Studio weyn oo aflaanta lagu duubo laguna codeeyo ka sameesay waxayna shirkadooda si rasmi ah u hawl gali doontaa Janaayo 2020 ama horaanta sanadka cusub waxayna sheegtay in sheekooyin badan oo aad u tayo wanaagsan heesato dhawaana shaaca ka qaadi doonto filimada kala duwan oo ay maal galin doonto iyo dhalinyarada ay soo caan bixin doonto oo aan kasoo jeedin qoysaska Bollywood-ka awooda ku leh.

Dhinaca filim jilista Kangana haatan waxay ku mashquulsan tahay isku diyaarinta filimkeeda Action-ka ah Dhaakad oo ay hogaamiye ka tahay lana daawan doono Diwali 2020 waxaana dhinaca farsamada iyo Action diyaarinta qaabilsan filimkan quburo Hollywood ah si mashruucan hab caalami ah loogu duubo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here