Kangana waxay caan ku tahay ineysan qarsan fikirkeeda iyo qofke u aragto inuu khaldanyahay mana ahan dadka ka hadla dadka dhabarkooda ee qofwalba waxay u qabto hortiisa ayee ka dhahdaa ama si fagaaro ah ayee usheegtaa.

Ranaut xili ay ka qeyb galeysay soo bandhigida goos gooska Filimkeeda Panga waxay goobta kaga hadashay atiriishooyinka Bollywoodka ee fikir ahaan qabaan in marwalba atoorayaasha horeyn karaan oo atiriisho aysan heli karin fursad ay xitaa kaga mushaar badnaato.

Fikirka noocaan ah waxaa qabaan oo fagaaro ka dhaheen atiriishooyinka kala ah Alia Bhatt, Taapsee Pannu iyo Sonakshi Sinha oo iyaga aamisan in marwalba aan la gaari karin atoorayaasha mushaar ahaan iyo awood ahaanba hadaba Ranaut ayaa kahor timid seddexdoodaba waxayna tiri.

“Waxaan maqlay hadal ay dhaheen seddex atiriisho caan ah (Alia, Taapsee iyo Sonakshi) kaaso ahaa in atoorayaasha marnaba la gaari karin awood ahaan, door ahaan iyo mushaar ahaanba balse waxaan leeyahay atiriishooyinkaas inee naftooda been u sheegeen ayna is dhigteen.”

“Hadaa iska dhaadhiciso in aadan gaari karin waa sida iska dhaadhicisay waxaan idin dhihi lahaa awood muujiya oo muraayada inta hor tagtaan naftiina weydiiyaa inaa awoodaan arinkaas iyo inkale aniga ahaan waxaan qabaa inaan awoodno hadaa dumar nahay.”

“Waa layaab in seddex atiriisho magac kuleh fanka hindiya ay sidaas dhan dhulka isku dhigaan waxaan si guud dumarka fanka hindiya ka shaqeya ugu baaqaa si qaas ah atiriishooyinka inee karti marwalba muujiyaan wax walbana inee sameeyn karaan iska dhaadhiciyaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here