Waa dad yar oo fara kutiris ah shaqsiyaadka ilaa hada Bollywoodka katirsan ee aysan isku dhicin Kangana Ranaut micnaha inta badan shaqsiyaadka Bollywoodka ka shaqeyaan iyo Kangana wey isku dhaceen siyaabo kala gedisa qaarkoodna uma aysan soo jawaabin iyada unbaa afka kala dagaashay.

Hader maalmaha waxaa shaashada usaaran oo ay la dagaalsantahay Priyanka Chopra iyo Diljit Dosanjh sidaan wada ognahay Dosanjh marhore ayee isku dhaceen sabab la xiriirta inuu ka difaacay beeraleyda banaan baxa wadeen waayo Ranaut haweeyney da’ ah ayee ku eedeysay in lacag lagu siiyay kacdoonka ay wadday.

Hadaba Priyanka Chopra iyo Diljit ayaa si isku mid ah u difaaceen dadka banaan baxa wadeen xaqooada in la siiyana tilmaameen markaasee Kangana tiri”Dad ay kamid yihiin Priyanka Chopra iyo Diljit Dosanjh ayaa dadka banaan baxa wadaan ku dhiiro gelinayaan ine rabshadaha sii huriyan

“Halka saxaafadana ay sii buun buuneyso waxaana haboon in dadkaan oo kale (Priyanka iyo Diljit) wax laga qabto waayo dadkii ayee marin habaabinayaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here