Atiriishada caanka ah Kangana Ranaut dabkii ay shiday ma ahen midyar muuqaal ay iskasoo duubtay oo baraha bulshada labo maalmood lagu wad wado waxuu abuuray xasaras weyn iyo hadal heyn aan waqti dhow dhamaan doonin waxay kicisay shacab badan oo tan iyo shalay qas wadaan dhanka baraha bulshada iyo banaan baxyo ficil ahaanba.

Ranaut waxay tilmaamtay in Sushant inuu is dilo lagu qasbay fursadahan oo kale xidigtaan wey sugeysay waxayna si dad ban u weerartay dadka iyada xurgufta kala dhaxeysa haba ugu horeyaan Karan Johar iyo Alia Bhatt.

Kangana waxay tiri,”Sushant qoraaladiisa iyo wareysiyada uu bixiyay waxuu dadka kaga codsanaayey in filimadiisa ay daawadaan hadii kale Bollywoodka laga ceyrin doono oo shaqo la’aan ku dhici doonto wiilka intuu noolaa si xun ayaa loola dhaqmay hab is qaraabeysi ahaan ayaa loo bahdilay taasi miyeenan ahen xanuun iyo murugo ku kalifi karto inuu is dilo.”

“Maxuu isku dili waayey Sushant marka filimkiisa ugu fiicnaa Chhichhore mudnaantii uu lahaa lasiin waayey halka Gully Boy oo ah filimkii ugu xumaa 2019 si weyn loo buun buuniyay abaal marin walhana aruursaday soo uma jeedid is qaraabeysiga socda bal adiga is weydii kee mudnaa in la maamuso Gully Boy iyo Chhichhore xitaa hadii Gully Boy sare maray aaway mudnaantii uu lahaa Chhichhore maxuu isku dili waayey Sushant markuu labo labodaas oo kale arko.”

“Si fudud waxaan udhihi karnaa Suhant waxa dileen dadka is qaraabeysiga ka wada shirkadaan iyo kuwa awooda leh ee bahdilaan jilayaasha laga awood badan yahay waana wax u baahan in wax laga qabto hadii kale sheekadan wey sii socon doontaa.”

Kangana waxay si dadban u weerartay Karan Johar, Alia Bhatt iyo Salman Khan hadaba hadalkeeda malaayiin dad ah ayaa ku raaceen baraha bulshadana ololo ka bilaaweyn ilaa maantana socoto sidaa aawged dabkii Kangana shiday cadowgeeda ay ugu talo gashay ayaa ku gubunayaan.

3 COMMENTS

  1. Dadka hindia waa dad maangaab ah sushan singh rajput maanta qofna uma baahna waayo wuu dhintay maxay markuu noola mudnaanta usiin waayeen filmka chchichori iyo war hadi dooro lay dhaho waxaan dooran lahaa chchichori lkn dadka maanta dadka xagxaganay waa dadki filmka war 300 cror gaarsiyey sababta aan war ugu hadal qabsaday baa ah in dadka marnaba mudnaanta siim meeshi ubaahan in la taageero

  2. Wxan diin islaam haysanba dhibtadaas baa haysta
    Dadkasi wxy horay ugaran waayeen bay ku mashqulayaan hada
    Qofku wuu dhinte ma iska dhaafan
    Haday nolol wx ugu qaban waayen madhimasho ayay wax ugu qabanayaan
    Lkn haday run ka thy ooy danaynayaan oo jclyhn qoyskisa ha caawiyaan
    Ileen 2 geeri baa haysate
    Dadka geeriyaysan ayay qalbiyadooda hurinayaan
    Qof kasto dab shidayaayiba dadka ayu iska dhaadhicinaya
    Lkn waa loga wngsn yhy
    Dadkisa ha utacsiyeeyaan oo ha cawiyaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here