Home » Nolosha Jilaayaasha » Kangana Ranaut “Dadka Yaan Lagu Nacin Inay Ingiriis Ku Hadli Karin Iyo Inay Mooto Bajaaj Raacaan”

Kangana Ranaut “Dadka Yaan Lagu Nacin Inay Ingiriis Ku Hadli Karin Iyo Inay Mooto Bajaaj Raacaan”

Atirishada caanka ah Kangana Ranaut marka ay hadasho waa qasab inay luqad adag adeegsato sidoo kalena ay bulshada kiciso waana xidig aan hadalka la gambanin.

Kangana Ranaut xili ay ka qayb galeesay bandhiga Fashion-ka Melange by Lifestyle waxaa wax laga weydiiyay fikrada ku aadan in qaraabonimo shaqo la isku siiyo.

Kangana Ranaut waxay arinka qaraabonimada shaqo la isku siiyo isku maan dhaafeen filim sameeye Karan Johar oo ay ku tilmaantay shaqsi jilaayaasha kala saaro oo kuwa qaraabadiisa ah shaqo siiyo.

Kangana Ranaut waxay tiri “Hadii aad qaraabonimo ka hadleysid ma ahan aflagaad ee waa inaad u kuur gashaa shaqsi ahaan dadka sida ay shaqada u dhaafsiiyaan kuwa kale ee mudan ayagoo siinayaan fursad kale kuwa ehel kooda ah”

“Dadka ma ahan lagu naco inaysan Ingiriis ku hadli karin ama mooto bajaaj ay raacaan kadibna xafiiskaaga shaqada uu kuu imaado asigoo dhididsan”

“Ama ma ahan in qofka lagu naco inuusan kaligiis guri kireesan karin balse waxaa muhiim ah in qofka dadaalkiisa ito xirfadiisa la isku xukmiyo”

“Laakiin naasiib daro kuwa anaga noogu awooda badan maanta ma rabaan inay garab siiyaan kuwa noogu tabarta yar!!”

 

F.G: Waa Maqaal Ku Celis Ah Balse Dib Aan U Daabacnay Si Aan Keydka Shabakada Usoo Celino: