Waxaan idiin sheegnay oo xog ahaan idiin la wadaagnay in Priyanka Chopra jagadeeda ama booskeeda hay’ada UNICEF in loo soo dhigtay oo la doonaayey booskaas in laga saaro waxaana arinkaan ka dambeeyay wasiir Pakistani ah sikaste ahaataba qorshihiisa uma suurto galin.

Sababta uu weerarkan ugu soo qaaday atiriishadan ayaana ah in ay ka hadashay dhulka Kashmir ee labada dal India iyo Pakistan isku heystaan sido kalena waxay taageertay dalkeeda India ciidanka dagaalamayana wey ku dhiiro galisay dagaalkooda taasi ayuu leeyahay wasiirka sidee Priyanka oo nabad katalis ah maadama Unicef ay kamid tahay ay dagaal u hurin kartaa.

Madaxda Unicef Priyanka ayee taageereen waxayna sheegen inee xaq u leedahay fikirkeeda inee ka hadasho hadaba Kangana Ranaut ayaa saxaafada arinkaan wax ka weydiyeen bal fikirkeeda sida ay u aragto sheekada dhaceysa waxayna tiri iyadoo Priyanka garab siineyso.

“Ma ahan wax sahlan marka aad dhexda ka gasho shaqadaada iyo waajibkaada adigo ku wareersan midka dooran laheed xaqiiq ma sahlana marka aan usoo noqdo arinkaan Priyanka hadalkii loo baahna iyo waqtigii loo baahnaa ayee tiri.”

“Asal ahaan qofka xur ayuu u yahay inuu fikirkiisa ka hadlo balse arinka ay Priyanka ka hadashay waaba waajib saaran oo dalkeeda ayee difaaceysaa xeerka celin karo waa xeerkee ee u diidaya qof muwaadin ah inuu dalkiisa u hadlo waan ku raacsanahay hadalka geesinimada leh ee Priyanka tiri.”

Walaal xayeysiimaha Web-ka mid kamid ah kudhufo hadii aad awoodo abaal ayaan kaaga heynaa Mahadsanid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here