Kangana Ranaut oo booliska Mumbai ka dalbatay iney Deepika Padukone soo xiraan sabab layaab leh owgeed.

1
1303

Atariishada Kangana Ranaut taasoo ku caanbaxday iney markasta muran dhexda kaga jirto ayaa ka dalbatay booliska Mumbai iney soo xiraan atariishada ay sida aadka u xifaaltamaan ee Deepika Padukone.

Kangana ayaa booliska ka dalbatay iney soo xiraan Deepika Padukone ayadoona ku eedeysay iney qeyb ka tahay dhimashadii Sushant Singh maadaama ay geeridiisa kaga faa’ideysatay hey’adeeda la tacaasho dadka murugta la ildaran.

Kangana ayaana sheegtay in Deepika ay qeyb ka aheyd qorshaha lagu dilay Sushant maadaama dhimashadiisa ay ka faa’ideysatay sidaas owgeed looga baahanyahay booliska Mumbai iney soo xiraan.

Sheekada ayaa meel xun mareyso ayadoona uu kiiskii dhimashada Sushant singh hadal heyn xoogan abuuray hadii uusan Corona Virus jiri laheyn oo India bandow ka jiri laheyna xaalka uu sidaan kasii darnaan lahaa.

Lama oga hadii ay booliska India ka jawaabi doonaan codsiga Kangana balse Kanagana qudheeda waxaa ilaalo ka haayo rag hubeysan oo boolis ah kadib markii iyadana dil loogu hanjabay.

1 COMMENT

  1. Kangana masyrkeeda wuu cadyhy dhaman wxay Cagta marisay kuna dhaganthy iyado sushant geridisa ku dhuumnaysa dadkii ay necbeed kuna nacday madame ay ka magac wayn yihin kana guulo badanyihin… indian masakiina Bey heshay hhhhhhhh naagtas miyay meel iska saari wayeen caku hhhhhhhhh hhhh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here