Home » Nolosha Jilaayaasha » Kangana Ranaut Oo Duqeynesa Karan Johar” Karan Johar Martidiisa Wuu Sumeya Ama Sun Ayuu Siiya”

Kangana Ranaut Oo Duqeynesa Karan Johar” Karan Johar Martidiisa Wuu Sumeya Ama Sun Ayuu Siiya”

Sidaan horey idiin kugu sheegnayba Karan Johar ayaa ku casuumay Kangana Ranaut showgiisa caanka ah ee Indian’s Next Super Stars kaaso laga daawan doono Star Plus.

Showgan waxaa Karan la daadihin doono Filmsameye Rohit Shetty, Sido kale qeybta kowaad ee showgan Karan waxuu la duubay atirishada Priyanka Chopra.

Hadaba Kangana Ranaut ayaa qeybta labaad lagu casuumay, mar wax laga weydiyay Karan sida uu martidisa ula dhaqmo ama habka uu u soo dhaweyo Kangana waxay kaga jawaabtay arinkaan sida tan.

“Karan martidisa wuu sumeya oo sun ayuu siiya.” dadkii showgaas wada joogay ayaa halmar wada naxeen oo la yaaben hadalkaas halka Karan Johar ka bixi waayey isagoo iska qoslaayo.

Hadalkii Kangana Ranaut kasoo yeeray ma kaftan ayuu ka ahaa mise duqeyn ay duqeyneso Karan Johar ayuu ka ahaa waa suaasha maanta taagan ee la si weydiinayo.