Bollywood Queen Kangana Ranaut ayaa si weyn ugu mashquulsan xayeysiin u sameynta Filimkeeda Panga ee la wada sugaayo waxayna la kulantaa saxaafada qeybaheeda kala duwan xitaa Tv-yada ayee booqata.

Arimo badan ayee ka hadashay waxaana kamid ahaa guurkeeda oo wax laga weydiiyay maadama 32 jir ay tahay walina aysan guursanin laguna tiriyo liiska xidigaha doobka ah ee Bollywoodka katirsan iyadoo is diidsiineysa guurka waxay tiri.

“Marka aad nolosha ujeedo iyo hadaf ka leedahay kaliya waxaa ku fikireysaa hadafkaas sidii aad ku gaari lahed anigana ujeedkeyga waa sidan shaqadeyda maqaam weyn kaga gaari lahaa waxkalena hader maskaxdeyda kama guuxaan.”

Kangana Ranaut on marriage: The world needs me, why should I belong to one person?

“Dunida ayaa ii baahan, taageerayaasheyda ayaa iibaahan marka maxaa hal qof waqti ugu luminaa (kadib wey qososhay) waan ogahay in qoys la dhisto muhiim tahay laakiin aniga waqtigaan waxba iigama muhiimsana shaqadeyda diyaarna uma ahi inaan guursado hader iyo waqti kudhowba.”

Ranaut ayaa si cad usheegtay ineysan aroos diyaar u ahen shaqadeeda Bollywoodka aawged waxaa macquul ah ineysan gabi ahaanba guursanin ama 5 sano horleh ay sidaan isagasii noolaato ileen shaqada ayaa xooga saara ayee tiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here