Kangana waxaa la dhalatay Rangoli oo iyadaba ka daran maalin walbana baraha bulshada ayee booqata misane waxay raadisa muran ay dhexda ka gasho hader atiriishooyinka Bollywoodka guud ahaantooda ayee xujeysatay ayadoo ku hanjabtay haddii xujadaas midkood laga helo in Kangana fanka hindiya ka fariisan doonto.

Rangoli waxay Twitter-ka kusoo qortay xujo cad oo loo diray atiriishooyinka Bollywoodka hadalkeedana sida tan ayuu ahaa,”walaashey Kangana waa la daba dhigtay markii Rangoon ka guuldareestay waxaa la dhahay Kangana waayaheeda fanka waa u dhamaaday hader ayee fariisane.”

“Hadana markii Manikarnika tiyaatarada la saaray dad ayaa ku dhaarteen inuusan Hit noqon doonin waana aragnay guusha weyn uu gaaray sido kale Thalaivi iyo Dhakaad markee saxiixaneysay dad ayaa been faafiyeen ayagii leh filimadaas meek ayaa la iska dhigay waxaana wada ognahay in duubista Filimadaas Kangana dhameen rabto waana hubaa Filimkeeda kale ee xiga Tejas in asna xan cusub lala daba kici doono.”

“Hadaba atiriishooyinka dhamaantood hal xujo ayaan udiraa taaso ah in laga dhex helo hal atiriisho oo waqtigaan sameeyn karta Filim miisaniyadiisa xambaarsan 60 Crore ilaa 109 Crore inta u dhaxeysa hadii laga dhex helo hal atiriisho oi sidaas sameyn karta waa ballan Kangana fanka hindiya guud ahaantiisa wey ka fariisane Filim dambena ma sameeyn doonto.”

Walee Rangoli hadal weyn ayaa markaas kasoi yeeray laakiin suaasha waxay tahay atiriisho aan Kangana ahen oo Filim miisaniyad ahaan lacagahaas xambaarsan sameysay makujirtaa Bollywoodka waqtigaan waa wax dhib badan in laga helo waana sababta xujada iyo shuruuda intaas la eg Rangoli u hordhigtay atiriishooyinka Bollywoodka.

F.G:Rangoli waxay ka hadleysa Filimada atiriisho kaligeed hogaamineyso oo aan laga door weyneyn misane awoodeeda ku iibineyso balse atiriisho kasoo muuqatay ama atiriisho kowaad ka ah Filim Superstar hogaamiye ka yahay lama rabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here