Atiriishada caanka ah Kangana Ranaut ayaa muuqaal cusub shalay baraha bulshada soo dhigtay oo ay markale kaga hadashay geerida jilaaga Sushant Singh waxayna ku tilmaamtay in si qorsheysan loo dilay atoorahan Ranaut ayaana arinkaas shacbiyad horleh kusii heshay.

Kangana waxay tiri,”qofkii umaleyo in Sushant kaskiis isku dilay waad hurudaa ee hurdada kakac Sushant si caqliyesan ayaa loo dilay waa qorsho laga soo shaqeyay oo ay kasoo shaqeyeen burcada Bollywoodka kujiraan hadii aan Mafia-yadan meeshe ku dhuumaaleysaneysa laga qabana dad badan oo Sushant oo kale ah ayaan weyn doonnaa.”

“Waa la is yaqaana waana la ogyahay dadkaas kuwee yihiin sharciga waa inuu wax ka qabtaa balse awoodooda, magacooda iyo lacagtooda hadii ay isticmaalaan markale aanan waxba laga qabanin ogaada dadkaas waligeen laheystayaal ayaan u ahaaneena waa inaan si wadajir ah ula dagaalana xaqa Sushant na loo soo dhiciyaa.”

Sido kale Kangana waxay ka hadashay sida iyada loogu kacay markii filimkeeda Manikarnika tiyaatarada la saari rabay waxay tiri iyadoo ka hadleysa.

“Aniga waxaa ila dagaalameen 3-kun qof oo saxaafada hindiya ah bal qiyaas saxaafada hindiya oo dhinac ah ayaa la dagaalameen hal gabar halmar xitaa kuma fikirin inaan is dilo waxay isku dayeen inee filimkeyga Manikarnina dadka ka hor istaagan Flop waaye, filim xun waaye, taariikhda Laxmi ayaa lagu aflagaadeeyay waxyaabahaas iyo kuwa kale ayee daldaleen balse wey ku guuldaresteen inee dadka ka hor istaagaan filimkeyga.”

“Magaran kartaan sababta saxaafadaas oodhan iidaba joogeen…sababta wax kale ma ahan Mafiyada iyo burcada Bollywoodka ayaa igusoo dalbadeen oo waa dad laaluush iyo lacag lasoo siiyay dadka lacagtooda ku bur buriyaan mustaqbalka dadka kale ayaa iisoo adeegsadeen laakiin iyagee qasaare udambeysay.”

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here