Waa waajib in Kangana Ranaut la siiyo abaal marin walba sanadka dambe run ahaantii atiriishadan wey muran badantahay laakiin waxaan la xaqiri karin qaab jiliinkeeda iyo xirfadeeda dahabiga ah oo indhaha laga daboolan karin.

In badan oo magaca atiriishonimo sheegtaan Bollywoodkana maanta katirsan Kangana inee soo gaaraan macquul ma ahan xidigtaan waxay dhabarka saaratay masuuliyada Filim looga hadlaayo haweeyney wasiir dowlo ka ahaan jirtay gobolka Tamil Nandu sido kalena bari samaadkii ahaan jirtay atiriisho koonfur India awood ku heysatay.

Haweeyneydan waxaa lagu magacaaba Jayalalitha magaceeda aduunka dad badan kunool wey garanayaan balse taariikhdeeda cidna ma oga marka laga reebo dadka iyada ka akdhowaayeen hadaba Kangana ayaa dooneysa dunida inee barto taariikhda haweyneydan reer koonfur ku faanaan.

Filimka nolosha Jayalalitha looga hadlaayo waxaa loo bixiyay magaca Thalaivi waxaana la daawan doonaa 26 Jine 2020 inaba caadi ma ahan aragtida kowaad ee laga soo bandhigay mashruucan iyo sida Kangana isaga dhigtay Jayalalitha dood ayaad ka keeneysaa in qofka sidan u miisaan culus ay tahay Kangana Ranaut iyo sida muuqaal ahaan loogu ekeysiiyay marwadii gobolkaas kasoo jeeday ee Jayalalitha.

View image on Twitter

Nolosha haweyneydan ee kasoo bilaawatay atiriishonimo ilaa ay siyaasada kasoo gashay wasiir dowlana loo doortay isla qaabkaas marxaladihii ay soo martay ayee Kangana shaashada kujilee si kumeel gaar ah ayee Ranaut shaashada ugu noqonee wasiir dowlaha gobolka Tamil Nandu.

Waxay tiri iyadoo ka hadleysa mashruucan,”marwo jayalalithaa waa mid kamid ah haweenka India kasoo jeedaan ee nolosha guulihii ugu waaweyna ka gaareen dalkana wax badan u qabteen sharaf ayee iitahay Superstar Jayalalitha inaa nolosheeda iyo taariikhdeeda shaashada kusoo bandhigo waan ku faraxsanahay Filimkaan inaa qeyb ka ahay.”

Hoos ka daawo Kangana oo duubista Filimka kujirta muuqaak laga soo duubay iyo iyadoo Jayalalitha iska dhigeyso laga soo bilaawo markee atiriisho ahed ilaa ay siyaasada kasoo gashay waana aragtida kowaad Director Vijay kasoo bandhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here