Mudada Karantiilka socdo Kangana si Live ah ayee taageerayaasheeda ula falgaleysaa inkastoo aysan baraha bulshada isticmaalin hadana ciwaano kooxda iyada la shaqeyaan ah ayee Live kasoo gashay misane taageerayaasheeda halkaas kula wadaagtay macluumaadyo badan oo ka qarsoonaayeen.

Ranaut waxay sheegtay in loo soo bandhigay Filimka Sanju ee looga hadlaayo nolosha Superstar Sanjay Dutt kaasona la daawaday 2018 waxaana hogaamiye ka ahaa The Next Superstar Ranbir Kapoor.

Hadalka aan udeyno Ranaut iyada ayaa inoo sharxeyso sidee wax udhaceen,”Ranbir ayaa guriga iigu yimid waxuuna iisoo bandhigay inaan la sameeyo Filimka Sanju run ahaantii waan ku farxay marka hore balse doorkeyga markii aan ogaaday misane uu iisheegay waan ka diiday sababto ah door yar ayuu ahaa wax micno weyna ka dhex sameyneynin Filimka dhexdiisa.”

“Dabcan dad badan ayaa is weydiin doonaan sidee Kangana ay udiidi kartaa Ranbir dalab uu usoo bandhigay balse waxaad ogaataan aniga inaan shirkadaan u joogo shaqo qurux badan inaan ka qabto ee uma joogi xidigaha waaweyn inaan qanciyo si lamid ah Sanju waxaan horey isaga diiday Sultan (2016).”

Sanju: Kangana Ranaut claims Ranbir Kapoor had come to 'her house to offer the film'

v

“Maadama doorka la iga siiyay uu yaraa waan iska fasaxay Sultan kadib waxaa isoo wacay Aditya Chopra (qarashgareyaha) waxuuna iisheegay inuusan waligiis dambe ila shaqeyn doonin maadama Filimkiisa aan diiday anigana waxba masii tixraacin marwalba waxaan waxaan qiimeya doorka Filimkeyga ee ma qiimeyo mushaarka Filimkaas aan ku qaadanaayo.”

“Aniga ahaan waxaan jeclaan lahaa doorkii Madhubala inaan mar uun shaashada kujilo waana riyadeyda ugu weyn hada kahor Anurag Basu ayaa iiso bandhigay doorka Madhubala inaan shaashada kujilo halka doorka Kishore Kumar (ninka taariikhdiisa laga hadli rabay) uu Ranbir Kapoor jili lahaa balse Filimkaas inaan sameyno ma suurtogalin.”

“Hadder waxaan jeclaan lahaa Mughal-E-Azam inaan dib usameeyo anigoo doorka Madhubala jilaayo halka doorka Dilip Kumar aan jeclaan lahaa inuu Aamir Khan jilo waan riyo soo jireen ah.”

1 COMMENT

  1. Beenaley ranbir ma Director ka filmka axsan hadey been sheegayso mid runa ha sheegto film bandhigidiisa waxaa iska leh Director iyo soo saarana raju irani ama vidhu vinod chopra markan oo kaliya maaha inta jeer ee been sheegtay film guulaystayba haday aragto anaa markii hore la iiso badhiga waan diiday waxaas oo dhan waa ciyaaraheeda kkkkkkkkk wala ila bartay hadeer

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here