Atariishada caanka ah ee shirkadda Bollywood Film Industry ee lagu magacaabo Kangana Ranaut ayaa waxay tallo qiimo leh usoo jeedisay gabar kasta oo ku riyooneysa inay noqoto atariisho magac weyn ku leh Bollywood.

32 sanno jirtaan Kangana Ranaut ayaa daaha ka qaaday inay aaminsan tahay inay tahay wax lagu riyaaqo marka ay hal filim isla sameynayaan xiddigo badan, si kastana ha ahaatee, waxay daaha ka qaaday inay tahay inay habluhu inta badan ka fogaadaan saaxiibnimada ragga oo gaarta heer aan loo baahneyn.

“Anigu waan ku riyaaqaa inaan filim la sameeyo xiddigo heer sarre ah oo magac ku leh Bolywood iyo caalamkaba. Balse waxaan doorbidayaa in aan markasta ahaado shaqsi macluumaadka noloshiisu ay u gaar yihiin, isla waqtigaasna ah shaqsi uu xiriir lasoo sameyn karo qof walba”. Ayey u sheegtay shabakadda PTI.

Atariishadaan muranka dhalisa ayaana uga digtay haweenka Bollywood in aysan markasta ganacsi oo keliya diiradda saarin ama si kale haddii loo dhaho aysan eegan aflaanta lacagaha badan ay ku heli karaan, bedelkeedana ay eegtaan sameynta aflaan ay ixtiraam badan uga heli karaan bulshada dhexdeeda oo xambaarsan farriin saameyn leh.



LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here