Kangana Ranaut ayaa ugu dambehn godkeeda biyo ugu soo gali rabo maadama dacwad laga gudbiyay waxaana lagu heestaa inee walaashed difaacday sido kalena dad muslimiin ah u gaftay arinkaan ayaana kasii dari doono dacwada Kangana soo badato.

Arinkaan ayaa kasoo bilaawday in Kangana walaashed Rangoli Chandel dacwad fara badan laga gudbiyay dadkii dacweyeen waxaa kamid ah naqshadeeye dahable ah Farah Khan Ali, gabadha Filimada sameyso Reema Kagti iyo kuwa kale.

Waxaana lagu heestaa inee dadkaas aflagaadeysay sido kalena ay aflagaadeysay dad muslimiin ah oo ay isku dhaceen shaqaalihii caafimaadka iyo Police-ka kiwaaso qaabilsanaa kahortaga Covid-19 hadaba Rangoli ayaa tilmaamtay in dadkaas muslimaadka ah aragti lagu toogto maadama rabshado ay wadaan.

Hadalkaas ayaa buuq badan dhaliyay sidaa aawged ciwaanka Twitter-ka Rangoli waa la xiray gabi ahaantiisa balse Kangana ayaa ka aamusi weyday arinkaa muuqaal ayeena iskasoo duubtay oo ay Instagram-ka soo dhigtay waxayna difaacday walaashed Rangoli.

Kangana waxay sharaxday in kooxda muslimiinta ah kaliya ay Rangoli heesatay oo aysan heysanin guud ahaan bulshada muslimiinta oodhan sido kale waxay xustay in dowlada aalada Twitter-ka joojiso aalad kaloo cusubna sameyso.

Hadaba nin lagu magacaabo Ali Kaashif Khan oo muslim ah ayaa dacwad ugudbiyay Police-ka waana mid kasoo horjeeda Kangana Ranaut waxuuna dacwadiisa kuxusay hadalkaan,”Kangana oo ah qof caan ah magac iyo awoodna wadanka kuleh ayaa xad-gudub ku sameysay bulshada muslimaadka ah muuqaalkeda udambeyay waxay ku xustay ereyga “argagixiso” oo ay muslimiin ku tilmaamtay marka walaashed khaladkeed kaliya ma aysan difaacin ee dad muslim ahna wey ku xad gudubtay.”

Labadan hablo walaalaha ah ayaa hader dacwada kusoo badaneyso waxaana laga baqaa in goordhow la xiro waa haddii dacwada kusoo badato iyagana go’aankooda kusii taagnaadaan oo aysan wax raali gelin ah ka bixinin hadaladooda khalafsan ileen bulshada muslimiinta ah ayaa ku kacsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here