Guushii weyneyd Alia Bhatt xalay usoo hoyotay ee ah inee ku guuleysatay abaal marinta Filimfare qeybta atiriishada ugu wanaagsan (Best Actress) dad badan ayaa ugu hambalyeeyen misane ku tilmaameen inee u qalantay.

Halka kuwa kalena ka hor imaadeen iyagoo tilmaameen ineysan u qalmin oo atiriishooyinka kale ka mudnaayeen dadkaas waxaa kamid ahed Kangana Ranaut walaashed Rangoli oo baraha bulshada sodhigtay qoraal ay kaga soo horjeedo xidigtaan balse hab kaftan ay udhahday.

Rangoli waxay tiri,”Alia Bhatt ayaa la gudoonsiiyay abaal marinta Filimfare we Best Actress qaab jiliinkeeda Gully Boy (2019) aawgii balse ma fahmin sababta loo siiyay biladaan waayo waa laga bandhig wacnaa doorkeda a mid caawin ayuu u muuqday (Supporting Role) (kadib wey qososhay).”

Alia Bhatt waxaa la tartamayeen 5-atiriisho oo kala ah Kangana Ranaut (Manikarnika), Kareena Kapoor Khan (Good Newwz), Rani Mukerji (Mardaani 2), Priyanka Chopra (The Sky Is Pink) iyo Vidya Balan (Mission Mangal).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here