Kangana Taageera yaasheeda xitaa makaftamaan..Nin iyada taageero oo uhanjabay ?

0
586

Nin laga qabtay Koonfurta Kolkata ayaa lagu eedeeyay inuu wicitaanno hanjabaad ah u diray afhayeenka Shiv Sena Sanjay Raut. Waxaa la rumeysan yahay inuu taageere u yahay Aktarada Bollywoodka Kangana Ranaut.

Atariishadan ayaa dhawaanahan dagaal dhanka afka ah kula jirtay Shiv Sena kadib markii qeybo kamid ah xafiiskeeda Mumbai la bur buriyay. Nin la rumeysan yahay inuu yahay taageere Kangana Ranaut ayaa lagu xiray magaalada Kolkata isagoo wicitaano hanjabaad ah u diray hogaamiyaha Shiv Sena Sanjay Raut Sida laga soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan booliska Kolkata,

ninkan ayaa magaciisa lagu sheegay Palash Bose, oo degan magaalada Tollygunge. Waxaa xiray koox ka tirsan booliska Mumbai, waxaana lageyn doonaa maxkamadda Alipore . Kangana Ranaut waxay cod dheer ku dhiibaneysay fikradeeda ku aadan sida ay u shaqeyso dowlada gobolka Maharashtra iyo booliska Mumbai tan iyo markii uu geeriyooday Sushant Singh Rajput.

Kangana sidoo kale waxay isbarbar dhig ku sameysay Mumbai PoK taaso kadambeysay dagaal afka ah Sanjay Raut lagasho. Bose ayaa lagu eedeyay inuu ugu hanjabtay hogaamiyaha Shiv Sena taasoo keentay inuu cawaaqib xumo lakulmo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here