Sidaan idiin la wadaagnayba waxaa lasoo bandhigay goos gooska dhameestiran ee Deepika Padukone Filimkeeda Chhapaak waana goos goos laga wada helay in badan laguna ammaanay xidigtaan bandhigeeda.

Dadkii Deepika ammaanen waxaa kamid ah Kangana Ranaut walaashed Rangoli oo Channel-keeda qoraal ammaan iyo hambalyeen ah kaga soo dirtay xidigtaan iyo mashruuceeda waxayna tiri iyadoo hadleyso.

“Waaw waan ka helay goos gooska Filimka Chhapaak run ahaantii qof walba waxaa ku waajib ah inuj daawado Filimkaan waa mashruuc ku haboon inuu India oodhan gaaro loona wada kaco daawashadiisa.”

“Deepika ma aqaan waxaan ku tilmaamo sida cadaalada ah ee ay u sameeysay Filimkaan waan kugu faana Deepuu waad iga ilmeysiisay aniga kaligey ma ahan xitaa qoyskeyga, adiga iyo Meghana shaqada aad qabateen ma ahan mid yar ammaan waad ka dhantihiin.”

“Dhamaan kooxda Filimka oo Deepika iyo Meghana u horeyaan waan idiin hambalyena shaqafa quruxda badan ee aad qabateen waana ku mahadsantihiin sida aad dumar ahaan inoo dhiiro galiseen waxaan ku duceysanaa Filimkaan in reer Hindiya oo dhan daawadaan.”

Dadka qaar ayaa la yaabeen i Rangoli qof ammaaneyso maanta ayadoo lawada ogyahay in haweeyneydan inta badan ay Negative tahay ama qof uun la muranto maalin walba oo waa qof muran usaaxiiv ah balse hadalkeeda maanta dad badan wey ku farxeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here