Sidaan wada ognahay Neha Dhupia muran xoogan ayee dhexda ka gashay maalmihii u dambeeyay waxaana ku kaceen shacabka reer India dhanka baraha bulshada ayeena xidigtaan ka weerareen kadib markee difaacday gabar qiyaano jaceyl u geesatay wiil xiriir kala dhaxeeyay.

Neha barnaamijkeeda Tv-yada laga daawado wiil kasoo qeyb galay ayaa goobta kasheegay inuu hadda kahor dhirbaaxay gabbar qiyaano jaceyl u geesatay maadama 4-wiil kale ay kudulwaday markuu ogaadayna uu nolosheeda ka tagay.

Hadaba Neha ayaa wiilka khaladkiisa u tilmaamtay iyo inuu ku khaldanaa dhirbaaxada uu gabadha ku dhuftay halmarna kama aysan xumaanin sida isaga loo galay taas bedelkeedana waxay tiri,”gabadha waa xor dooqedaba iyada leh 4 iyo kabadan ayee la socon kartaa balse adiga waad ku khaldantahay inaad dhirbaaxdo.”

Hadalkaas kumanaan kun ayaa ka falceliyeen qaar waxay dhaheen waan kugu waafaqnay in wiilka dhirbaaxada ku qaldanaa balse gabadha qaladkeeda halmar xitaa ma aadab xusin maxaa dhacay miyaadan xishooneyn” kuwa kale oo badana aflagaado waaweyn ayee u geesteen.

Hadaba Kangana walaashed oo war raadis ah qof ay weerartana iska baadi goobto ayaa aflagaado kala dul dhacday Neha waxayna tiri,”haddi aad rabtaan inaad aragtaan haweeyney doqon ah wajiga Neha Dhupia lee fiiriya waligey ma arag naag ka doqonsan.”

“Waxay iskudayee inee difaacdo xuquuqda dumarka balse waxay fasahaad iyo dariiq u sameyneysaa gabdhaha maants jiraan Neha ma oga miyaa gabadha sids oga niyad jabeyso qiyaanada jaceyl in wiilkana oga niyad jabaayo sidaa si lamid ah.”

Neha dhankeeda wey is difaacday oo waxay sheegtay in khalad loo fahmag kaliyana ay ka hadashay sida ay u foolxuntahay in gabar loo gacan qaado si kastee ahaatava Neha karbaash badan ayaa kudhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here