Bollywoodka waxa uu caan ku yahay walaalo maadaama ay jiraan jilayaaal fara badan kuwaaso xili walba garab taagan walaalahooda sida Salman khan iyo walaalihiisa Sohail Khan iyo Arbaaz Khan

Rangoli waxa walaalo ay yihiin atariishada muranka bada ee afka adag Kangana Ranaut waana labo walaalo xili walba kasoo dooda hal dhinac iyagoona isku bahaysta inay iska difaacaan wax walba oo iyaga soo wajaha

Rangoli ayaa dhawaan waxa ay baraha bulshada soo dhigtay sawir xilli hore kaaso ahaa ka hor inta jaceylkayda hore ku weerarin Acid ama aashitada kaaso dhibaato u gaystay qaar ka mid ah quruxda wajigeed xiligaaso ay jirtay 23 sano jir

ka dib markii Rangoli ay sawirkan soo dhigtay baraha bulshada ayaa waxa ay sheegtay in iyada lagu weeraray magaaalda Dehradun xili ay halkaas ka baranaysay engineering

sidoo kalena aashitada u saameeyay in badan oo wajigeeda ka mid ah kaaso lagu qiyaasay 1.75 cm waxaana ay martay inka badan 54 qaliimood kaaso lagu soo celinaayay muuqaalka wajigeeda waxaana lasoo jaray maqaar dhanka lugaha si loogu buuxo dhanka qaliinka dhanka wajiga

Rangoli aya waxa ay shaaca ka qaaday in xili ay dhibaatada ay maraysay in sidoo kale si xun loo jir dilay walaasheeda Kanaga taaso la gaarsiiyay inay nafta ka baxdo waana dhacdo xanuun badan kaaso soo wajahay qoyska Rangoli marka loo fiiriyo dhibaatada soo wajahday labada gabdhood ee lagu kala magacaabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here