Atariishada Kangana Ranaut waa gabar lagu yaqaano hadalo kulul iyo geesinimo dheeraad ah weligaydna qofna kama aysan cabsan iyadoo gabar ah taaso cadeynaysa kartida ku duugan atariishadan

Kangana ayaa maalmahan waxa ay si weyn isku hayaan atariishada lagu magacaabo Alia Bhatt taaso ay isku dagaalayn markii Alia Bhatt ay iska indho-tirtay codsi kaga yimaaday Kangana Ranaut kaaso ah inay kasoo qayb-gasho daawashada filimkeeda Manikarnika : the queen of jhansi

laakiin Alia Bhatt wax jawaab ah ma aysan u celin xitaa kama aysan cudur daaran taaso si weyn kaga careysiisay Kangana Ranaut waxaa markaas iyo wixii ka dambeeyay bilowday dagaal sadex geesood taaso Kangana iyo walaasheeda Rangoli Ranaut ay ku qaadayn Alia Bhatt iyo qoyskeeda

haddaba Kangana Ranaut walaasheeda Rangoli ayaa waxa ay wareysi xiiso badan siisay majalada Mumbai Mirror iyadoo ka hadashay dhibaatooyin fara badan oo walaasheeda oo loo geestay

Rangoli oo arrintan ka hadlaya ayaa waxa ay
tiri ” Hrithik Roshan waa qiyaanoole isagoo markii hore xariir la sameeyay walaasheeda ka dibna waxa uu bilaabay inuu marar kala duwan ayay dacwad ka gudbiyo walaasheeda waxaana uu meel kaga dhacay sharafka Kangana

maadaama marna uusan helin karin gabar sida Kangana laakiin dhibaatada walaasheeda lagu haayo Intaas kuma ekayn

sidoo kale waxa liiskan ku jira Aditya Pancholi kaaso xitaa walaasheeda u geestay jir-dil isagoo ka Faa’ideystay walaasheeda xiligii ay fanka ku cusbayd

iyadoo ay jiraan  dad badan ( Alia Bhatt iyo Karan Johar) kuwaaso hadda isku dayayaan inay dhibaateeyaan walaasheeda laakiin mid ha yeysan hilmaamin in Kangana Ranaut markasta ay diyaar u tahay inay dagaalanto kaligeeda iyadoo aysna suurta-gal ahayn inay walaasheeda ka guuleystaan dadkaas afka ka qeyliyaan”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here