Ranveer Singh ayaa dadka ka yaabsaday sida uu muuqaal ahaan isku badalay waxaana la boodaa 100% inuu yahay Kapil Dev oo meesha taagan kabtankii xulka Hindiya u qaaday koobkii aduunka cayaarta Cricket-ka ugu horeeyay sanadii 1983.

Ranveer Singh haatan wuxuu soo idleyn rabaa duubista filimkiisa 83 oo nolosha kabtan Kapil Dev looga hadlaayo waxaana Director ka ah Kabir Khan ayadoo sawirka ama kaartada laga soo bandhigay aad loo cajabay qaabka Ranveer qoriga Cricket-ka u heesto kubadana u dharbaaxay waxaana lasoo wada xasuustay sidii geesinimada ku dheehneed ee kabtan Kapil Dev Hindiya ugu qaaday koobkii aduunka 36-sano ka hor.

Filimka 83 waxaa atirisho kowaad ka ah Deepika Padukone oo doorka xaaska Kapil Dev mataleyso Romi Dev waxayna garab weyn siin doontaa Ranveer waxaana mashruucan la daawan doonaa 10 April 2020.

Filimka 83 waxaa doorar muhiim ah oo caawiye ah ku leh qaar ka mid ah jilaayaasha ugu xirfada wanaagsan fanka Hindiya waxaana ka mid ah Pankaj Tripathi, Hardy Sandhu, Tahir Bhasin, Ammy Virk, Jatin Sharma, Saqib Saleem, Jiiva, iyo Boman Irani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here