Kani waa Akshaye Khanna iyo wajiga cusub ee uu ku mataalo filimka The Accidental Prime Minister

Akshaye Khanna waa jilaa door walbo sameyn karo haatana wuxuu ku hawlan yahay duubista filimka The Accidental Prime Minister ee looga hadlaayo nolosha Ra’iisul Wasaarihii hore Hindiya Manmohan Singh.

Anupam Kher ayaa matalaayo doorka Ra’iisul Wasaarihii hore Manmohan Singh halka Akshaye Khanna uu matalaayo doorka Sanjaya Barua oo ahaa wariye ruug cadaa ah arimaha siyaasada ka faaloon jiray.

Sanjaya Barua ayaa qoray sheekada filimkan sidoo kalena hadda Sanjaya Barua waa xoghayaha guud ee ururka ganacsiga Hindiya sidaa darteed Akshaye Khanna ayuu ka codsaday inuu doorka noloshiisa filimkaan ku matalo.

Akshaye Khanna oo aad isugu ekeysiiyay siyaasiga ruug cadaaga Sanjaya Barua wuxuu yiri “Aadban ugu faraxsanahay inaan filimka The Accidental Prime Minister door weyn ku yeesho waxaana ku matalayaa wariye siyaasi ruug cadaa ah kaasi oo banaanka soo dhigaayo noloshii Ra’iisul Wasaare Manmohan Singh looga hadlaayo”

Anupam Kher iyo Akshaye Khanna filimkooda The Accidental Prime Minister waxaa la daawan doonaa dhamaadka sanadkaan gaar ahaan 21 December 2018.