Irrfan Khan waxuu ahaa jilaa inta badan la jeclaa waxaana lagu jeclaaday qaab jiliin cajiiba ayuu lahaa reer Bollywood waxay dhaheen “30-sano u dambeysay keenni inooggu qaab jiliin wacnaa” ayee u bixiyeen.

Jilaagan waxaa udheer midaa inuu muslim ahaa kuna geeriyooday sidaas waxuu kamid ahaa reer Khan oo iyagu muslimiin u badan Irrfan Filimadiisa ugu caansan waxaa kamid ah Hindi Medium, Angrezi Medium, Knock-out, Krazy 4,Jazbaa iyo kuwa kale.

Irrfan 2-sano waxuu la xanuunsanaa cudurka Kansarka inkastoo uu in badan kasoo kabtay hadana 100% kama uusan caafimaadin taasi ayaa sababtay markuu kudhacay caabuqa mindhiciraha dheefshiidka inuu kusoo kacay kansarkii una dhintay.

Jilaaagan Mumbai ayaa lagu duugay oo qabrigiisa laga dhigay sawirka sarena waa isagii oo loo sii wado gurigiisa dhabta ah waxuuna geeriyooday 29-April.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here