Kani waa jilaagii ugu kibirka badnaa caalamka ma maleysan kartid waxa uu ku dhaqmay

0
4218

Jilaaga Turkiga misna lagu magacaabo Can Yaman waa mid kamid ah jilayaasha ugu muranka badan Turkiga iyo caalamkaba wuxuuna marwalba bartanka kaga jiraa dood joogto ah.

Jilaagaan oo horay u sameeyay dhawr taxane qaarkoodna guuleysteen ayaa waxaa lagu tilmaamaa mid kibir badan aadna iskula weyn.

Can Yaman ayaana hada kahor si cad u sheegay inuu yahay jilaaga ugu fiican Turkiga sidoo kalana taxanayaashiisa ay yihiin kuwa ugu fiican, arintaasoona dhalisay hadal heyn culus, ayadoona dadka qaar aad u dhaliileen tilmaanta uu iska bixiyay.

Can yaman intaas kuma ekaanine wuxuu markale sheegay inuusan aqoonin jilaa la dhaho Kivanc Tatlitug kaasoo ay soomaalida u taqaano Muhanad.

Waxaa la weydiiyay asuga iyo Kivanc cida wanaagsan balse Can Yaman ayaa ku jawaabay inuusan aqoonin jilaa Kivanc la dhaho asigana uu yahay kan ugu wanaagsan Turkey.

Jilaagaan oo marar badan hadalo muran dhaliyay ku hadaaqay sidoo kalana sameeyay falal ay dad badan u arkeen iney yihiin isla weyni iyo kibir ayaa haatan fasax ku qaadanayo Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga halkaasoo ay dagantahay gabadha uu xiriirka kala dhaxeeyo misna u dhalatay Italy taasoo wariye ah.

Can Yaman ayaana haatan wax shaqo ah gacanta ku heynin taxanihii ugu dambeeyay ee uu qaban lahaana wuxuu ku waayay habdhaqan xumadiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here