Home » Nolosha Jilaayaasha » Kani Waa Ranveer Singh Oo Jimicsi Adag Ugu Jira Doorkisa Filmka Simmba!

Kani Waa Ranveer Singh Oo Jimicsi Adag Ugu Jira Doorkisa Filmka Simmba!

Howsha wey bilaawatay atooraha tamarta badan Ranveer Singh waxuu bilaaway inuu isku diyaariyo doorkisa filmka Simmba ee la daawan doono dhamaadka sanadkaan.

Simmba waxaa Director ka ah Rohit Shetty halka Karan Johar qarash garenaayo waana film asal ahaan sheekadiisa laga soo xigtay filmka Telugu ah ee Temper sido kalena Ranveer waxaa la jileyso atirishada Sara Ali Khan oo jaceyl shaashada kula wadaagi doonto.

Hadaba xidigaan ayaa jimicsi adag ugu jiro si uu kaga run sheego doorkisa ciidanimo ee uu filmka ku jilaayo waana door adag oo uu jimicsi iyo jir dhis u galay.

ranveer simmba

Simmba waxaa la daawan doona 28 bisha December ee dhamaadka sanadkaan 2018 ayadoo la filaayo inuu guul wacan gaaro maadama Rohit Shetty Action-ka ku wacan yahay Ranveer-na xiligiisa ugu wacan ku jiro.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *