Gabadha heesaaga caanka ah ee laga dambeeyo Kanika Kapoor waxaa ku dhacay xanuunka Coronavirus balse dambi ayaa lagu soo oogay kadib markii la sheegay inay xanuunksan qarsatay tan iyo markii dhawaan ay kasoo laabatay London kadibna ay dhigatay xaflad 100 qofood ka qayb galeen ayadoo xanuunkan qabto!

Haatan Kanika waxay ku jiraa xaalad karantiil ah balse marka ay ka baxdo xaalada waxaa lagu soo oogi doonaa dambi ah dayacaad cad inay sameesay oo dad badan haatan nafsadooda halis ku jiraan madaama ay la fal gashay ayadoo caabuqan halista badan qabto.

Haddaba Kanika aabaheed Rajiv Kapoor ayaa warbaahinta u sheegay in gabadhiisa dambiile tahay sidoo kalena mudan tahay in maxkamad la saaro madaama 400 qof ku dhawaad la fal gashay ayadoo xanuunkan qabto wuxuuna aabaheed gabadhan ku tilmaamay mid aan masuuliad qaadi karin qalad weyna ay gashay madaama sedex xaflad kala duwan ay ka qayb qaadatay mid iyada dhigatay iyo labo loo dhigay tan iyo 15-kiii bishan Maarso marka ay London kasoo laabatay.

Balse Kanika Kapoor ayaa beenisay hadalka aabaheed saxaafada la wadaagay waxayna sheegtay kaliya inay hal xaflad oo iyada dhigatay ka qayb qaadatay sidoo kalena aabaheed uusan ka war qabin goobaha ay tagay 6-maalmood ugu dambeesay sidaa darteed qoyskan ayayba ka dhex tafatay ayadoo Kanika marka ay karantiilka kasoo baxdana warbaahinta sugeyso una badan tahay in maxkamad lasoo taagi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here