Kanika waa fanaanad ama heesaa caan ah oo Bollywoodka kasoo jeeda 18-maalmood kahor waxaa laga helay caabuqa dilaaga ah ee Coronavirus kadib markee timid India.

Kanika ayaa ka timid UK halkaaso ay kasoo qaaday caabuqan balse markee timid ayee qaadsiisay dad badan maadama ay dhigatay xaflad weyn misane dad badan ku casuumtay hadaba markii laga helay caabuqan Kanika waxaa lagu eedeyay falka ay ku kacday.

Xitaa jilayaasha qaar kamid ah ayaa cambaareyeen sikaste ahaataba Kanika 18-maalmood ayee isbitaal kujirtay oo ay is daweyneysay si ay kaga caafimaado caabuqa tiro 5-jeee ah ayeena iska baartay caabuqa oo ay Positive noqoneysay.

Ugu dambeyn markii 6-aad Negative ayee noqotay ama wey ka caafimaaday caabuqan halistiisa wata ugu dambeyna gurigeeda ayee timid oo isbitaalka wey kasoo baxday balse dacwadii laga gudbiyay ayaa utaalo oo la meel marin doonaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here