Fanaanka caanka ee Kanye West misna qabo gabadha Modelka sidoo kalana TVyada caanka ka ah ee Kim Kardashian ayaa lagu soo waramayaa in uu qorsheynaayo in caruurtiisa qaar kamid ah uusan sheegan doonin sidoo kalana dhaxalkiisa ka mamnuuci doono.

Sida ay qortay majalada NW Kanye West ayaa go’aansaday in wiilashiisa Salim oo 6 bil jir ah iyo Chicago oo 23 bil jir ah uusan aabo u noqon doonin maadaama aysan Kim Kardashian u dhalin oo minidiisa naag kale lagu shubay kadibna riximkeeda lagu bacrimiyay waxaana lagu soo waramayaa in Kenya Westa uu wadaad Masiixi ah arinkaan kala tashtay kaasoo u sheegay in ilmahaas aysan noqon Karin ilmihiisa dhabta ah diinta masiiixigana u ogoleyn.

Dhanka kale shabakada Gossip Cop ayaa rintaan waxba kama jiraan ku tilmaantay waxayna sheegtay in qof aad ugu dhow lamaanahaan Kenya West iyo Kim Kardashian uu u sheegay in aysan marnaba arimahaas ku fikirin.

Kim Kardashian iyo Kanye West ayaa waxaa u joogo caruurtaas bacrimiska ka sokow labo wiil kale oo ay Kim caadi ugu dhashay Kanye West waxaana lakala yiraahdaa North iyo Saint.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here