Kapil Sharma ma ahan atoore Filimada sameeyo si joogto ah balse aflaam yar ayuu sameeyay misane kasoo muuqday shaqadiisa joogtada ah waa ka shaqeynta barnaamijyada madadaalada ah ee Tv-yada ka baxaan waxuuna hader qabtaa barnaamij la magac baxay The Kapik Sharma Show.

Barnaamijkan dad 100 qof gaarayaan ayaa kasoo qeyb galaan si live ah ayaana Tv-yada looga daawadaa waxuuna ku casuumaa marwalba jilayaasha Bollywoodka kuwooda dan gaar ah leh sida inee Filimkooda xayeysiinayaan ama Album amaba buug cusub markee daahfurayaan.

Mid kamid ah barnaamijyadiisa waxaa kasoo qeyb galeen Director Rohit Shetty iyo Akshay Kumar oo Sooryavansham xayeysiinayeen hadaba Kapil ayaa Rohit ku qabsaday sababta ilaa maantadan uu isaga Kapil ah Filim dagaal ah ugu sameyn waayey maadama Director Filimada dagaalka looga haray uu yahay.

Rohit ayaa ku jawaabay in isaga Kapil ah dagaal ku fiicneen ee uu shactirada ku fiican yahay balse Kapil ayaa soo boodag misane sida tan yiri,”maya markaan waan dhaarsanahay waxaan rabaa inaan Filim dagaal ah sameeyo.”

“Waxaan kaa codsanayaa inaad aniga iyo Ranver Singh Filim inoo sameyso waliba waxaan rabaa Filimkaas min bikaaw ilaa dhamaad inaa qanjaha ka tumo Ranver Singh oo iska garaaco le.”

Dadkii oodhan ayaa halmar wada qosleen Kapil waa shactiroole waxuuna marwalba dhahaa,”Ranver ciil ayaa uqabaa waayo waxuu iga guursaday boqoradii aan mudada dheer gaad-gaadayey (Deepika Padukone)kkkkkkk.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here