Superstar Sunny Deol wiilkiisa Karan Deol jimacadan (20 Sep 2019) waxaa tiyaatarada loo saari doonaa filimkiisa ugu horeeyay ee lagu magacaabo Pal Pal Dil Ke Paas waxaana Director iyo soo saare ka ah Sunny Deol waana filim jaceyl oo heeso hirgaleen xambaarsan.

Haddaba Karan Deol ayaa sheegay xiligii uu ardayga ahaa inuu dhibaato badan lasoo kulmay gaar ahaan markii uu dugsiga dhexe ahaa iyo xiligii uu dugsiga sare u gudbay wuxuuna ka dhawaajiyay in macalimiinta iyo ardayda isku fasalka ahaayeen ku tilmaami jireen damiin markii uu su’aal qaldo ama leyli ka shaqeyn waayo.

Karan Deol wuxuu yiri “Waqtigii iigu adkaa xiligii iskuulka ayuu ahaa waayo ardayda iyo macalimiinta waxay ogaayeen inuu Sunny Deol aabo ii yahay sida darteed haddii aan su’aal qaldo ama leyli ka shaqeyn waayo waxay igu tilmaami jireen damiin lacagta aabihiis ku raaxeesto oo aan waxba baran karin!”

“Waxbarashada waan ka niyad jabay laakiin awoowe Dharamji (Dharmendra) ayaa i dhiiri galiyay iguna dhahay orod dadka wax la qeebso nin rag noqo kuwa wax ka sheegayaan berito iyaga ku amaani doonaan.”

Karan Deol sheekadan qiirada badan intaas ma uusan kaga harin wuxuu yiri “Markii dambe ardaydii iskuulka iyo macalimiinta wey i aqbaleen kadib markii tartanka heesaha raabka lagu qaado aan bilad iskuulka ugu soo dheciyay kadib waxaan noqday shaqsi kartidiisa iyo dadaalkiisa ku meel maro oo sharaf leh.”

Sidaa darteed Karan Deol wuxuu leeyahay diyaar ayaan u ahay loolan walbo aan Bollywood-ka kala kulmo marba haddii xiligii waxbarashadii aan niyad jab walbo kasoo gudbay wuxuuna dhahay “Waan ogahay in kuwo badan hadda dhahaan wiilkaan reer Deol ayuu kasoo jeedaa sidaas ayuu si sahlan Bollywood-ka kusoo galay waa sax magaca Deol ayaan xambaarsanahay laakiin waxaan rabaa dadaalkeyga inaan ku meel maro marka horena qof walbo garab kama maarmo waxaana u mahad celinaa aabaheey oo riyadeyda ii rumeeyay kadib anigaa is meel marin doono.

Karan Deol nasiib wacan ayaan leenahay waxaana u rajeeneynaa magaca jiilka sedexaad ee reer Deol inuu horey usii wado madaama qoyskan fanka Hindiya sumcad balaaran ku leeyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here