aktarka dhawaan-galka ah ee Karan Doel kaaso aabo u yahay aktarka caanka ah Sunny Doel ayaa waxaa 20 bisha September tiyaatarada loo saari doono filimkiisa Pal Pal Dil Ke Paas

iyadoo reer Doel ay doonayaan inay weli fanka baaqo ku noqdaan maadaama jiilkii sadexaad markan uu diyaar u yahay inuu sii hayo calanka mid ka mid ah qoysaska ugu faca weyn fanka Bollywoodka

haddana aktarkan oo dhawaanahan isaga guda jira xayeesiin u samaynta filimkiisa Pal Pal Dil Ke Paas waxa uu wareysi ku sheegay arrin dad badan ka yaabisay isagoo durba qiray in adag tahay sida uu xidig kaga noqon lahaa Bollywoodka

Karan Doel oo arrintan ka hadlaya ayaa waxa uu yiri ” waxaa jiraan dad badan oo qiimeyn doonan bandhigayga filimka iyo qaab jiliinkayga midaas waxa ay cadaadis daran saari kartaa mustaqbalka sida aan xidig u noqon lahaa maadaam xiligan casriga aktarada cusub ay la kulmaayaan dhibaatooyin badan ma jirto shaqsiyaad doonaya inay aniga lacag igu bixiyaan kaliya waxaan halkaan ku imid fursad uu isiiyay aabahayga laakiin marna dhulka uma ogoli inan hoos u dhigo sharafta qoyskayga ay fanka ku leeyihiin waana dadaali doona ”

Karan Doel filimkiisa lagu soo caan bixinaayo ee Pal Pal Dil Ke Paas waxaa soo saare iyo Director ka ah aabihiisa Sunny Deol kaaso markii labaad waayihiisa ku fariisan doona kursiga Director-nimo

waxaan nasiib wacan leenahay Karan Doel

2 COMMENTS

  1. Asxaabta Filmside
    12th September 2019
    Waxaa Soo Baxaya Filmka
    Sida Weeyn Loo Wada Sugayo
    Ee Pailwaan Uu
    Hogaamiyaha Ka Yahay
    Superstar Kichcha Sudeepa Halka Suniel Shetty Door Muhiim Ah Ku Lee Yahay Fadlan Sheekadiisa Iyo Macluumaadkiisa Oo Dhamaystiran
    Noo Soo Qora Insha Allah
    Waana Ku Mahadsan Tihiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here