Jiil walbo oo fanka ku cusub waxay u baahan yihiin garab siin dhan walbo ah waxaa siweyn loo sugaa Karan Deol oo xambaarsan jiilka magaca sedexaad reer Deol oo 20-ka bish September filimkiisa kowaad Pal Pal Dil Ke Paas tiyaatarada loo saarayo

waxaana garab weyn siinayo aabihiis Sunny Deol oo filimkan Director iyo Producer ka ah sidoo kalena labo sano ka badan waqti ah galiyay.

Karan ayaa maalintii shalay ah bixiyay wareysi xili uu la hadlaayay saxaafada isagoo sheegay arimo badan oo ku saabsan la shaqaynta aabihiisa iyo markii ugu horeesay uu fanka kasoi muuqanaayo

haddaba sidoo kale Karan waxaa la weydiiyay sida uu dareenkiisa ahaa markii uu aabhiisa ( Sunny Doel) hortiisa atariishada lagu magacaabo Sahher Bambaa ku shumiyay heesta filimka Pal Pal Dil Ke Paas

Karan oo arrintan ka hadlaya ayaa waxa uu yiri ” marka hore waxaan dareemay cabsi iyo inan gacmaha ka jareeyo maadaama aan ahay shaqsi xishood badan sidoo kalena wax adag ayay igu ahayd inan aabahee hortiisa muuqaal noocaas ah ku sameeyo laakiin wax walba aabahee ayaa igu dhiiro-geliyay taaso sababtay inay wax walba fudayd ii noqdaan fanka xishoodka waaka mamnuuc “

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here